Tottenham Hotspur iyo Barcelona oo labaduba xiiseynaya Jerome Boateng’

Tottenham Hotspur iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in labadaba ay xiiseenayaan Saxiixa Daafaca Bayern Munich ee Jerome Boateng beeca xorta ah.

32 jirkaan qandaraaskiisa Allianz Arena ayaa dhacaya dhamaadka Juun, waxaana uu ka tagayaa kooxda heysata horyaalka Jarmalka xagaagan isagoo raadinaya koox cusub.

Chelsea iyo Arsenal ayaa labadoodaba lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Jarmal, kaasoo dhaliyay labo gool 31 kulan oo uu u saftay Bayern intii lagu jiray ololihii 2020-21.

Si kastaba ha noqotee, sida uu sheegayo saxafiga Bild Christian Falk , labada Tottenham iyo Barca ayaa sidoo kale xiiseynaya inay la soo wareegaan daafaca dhexe ee qibrada leh si bilaash ah.

Boateng ayaa 355 kulan u saftay Bayern tartamada oo dhan tan iyo markii uu ka yimid Manchester City 2011, isagoo kula guuleystay sideed horyaal Bundesliga iyo labo horyaal oo Champions League ah.

Daafaca ayaa dhaliyay hal gool 22 kulan oo uu saftay horyaalka intii lagu jiray ololihii 2020-21.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*