Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay lacag ku qarashgareyso saxiixa garabka Wolverhampton Wanderers Adama Traore iyo daafaca dhexe ee Sevilla Diego Carlos bishaan.
Antonio Conte ayaa isha ku haya in uu shaqaaleysiiyo ciyaartoy cusub ka hor 31 ka January isaga oo doonaya daafac iyo Khad Dhexe oo la aaminsan yahay in ay yihiin Boosaska uu tababaraha reer Italy u eegi doono bartilmaameedka.
Traore waa mid ka mid ah bartilmaameedyada koowaad ee Tottenham ee suuqa jiilaalka, iyadoo xidiga Isbaanishka uu la dhacsan yahay Conte kaasoo aaminsan buuxin karo garabka midig.
Dhanka kale, Carlos – oo si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Newcastle United – ayaa sidoo kale waxaa si dhow isha ugu haya Spurs, kuwaasoo qarka u saaran inay kula tartamaan Magpies saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay The Sun , Tottenham ayaa diyaar u ah inay 50 milyan ginni ku qarashgareyso saxiixyada Traore iyo Carlos ee bishaan suuqa kala iibsiga.
Spurs ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseyneyso saxiixa xiddiga AC Milan Franck Kessie iyo kan Manchester United Jesse Lingard .