
Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay ka afduubato Arsenal saxiixa weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus.
25-sano jirkaan ayaa u muuqda inuu ka tagayo Etihad Stadium xagaagan ka dib imaatinka Erling Braut Haaland iyo Julian Alvarez , waxaana kooxda Mikel Arteta la rumeysan yahay inay yihiin kuwa ugu cadcad saxiixiisa.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in Jesus uu ku sii dhawaanayo ku biirista Gunners, waxaana laga yaabaa in lagu dhawaaqo imaatinka garoonka Emirates ka hor dhamaadka usbuucan.
Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa sheegeysa in Spurs ay qarka u saaran tahay inay dhigeeda Waqooyiga London kula tartanto saxiixa Jesus, waxaana ay rajeynayaan in kubada cagta Champions League ay ku qanciso weeraryahanka inuu la xiriiro Antonio Conte .
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Conte uu la dhacsan yahay qaab ciyaareedka xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil maadaama uu ku qanacsan yahay inuu ka shaqeeyo weerarka dhexe ama garabka.
Be the first to comment