Home Horyaalka Ingiriiska Tottenham oo soo bandhigtay lacagta ay ku fasixi karto Harry Kane oo...

Tottenham oo soo bandhigtay lacagta ay ku fasixi karto Harry Kane oo bartilmaameyd u ah Labada Manchester

0

Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane waxaa xiiseenaya kooxaha England qaarkood sidaasi darteyd kooxda Tottenham ayaa dooneysa dalab aad u weyn oo dhan 150 milyan oo euro’  , sida ay qortay Daily Mail .

Tottenham ayaa sheeganeysa in labada naadi ee reer Manchester ay u baahan yihiin inay la soo saxiixdaan nambarka 9-aad ee tayada leh xagaaga, waxaana ay u calaamadeeyeen Kane inuu yahay dooq u furan.

Kane wuxuu kula jiraa Spurs heshiis gaaraya ilaa 2024 heshiis ku kacaya aduun dhan 200,000-usbuucii, laakiin mushaharka uu dalbanayo maahan mid khuseeya kooxaha aan soo sheegnay.

Horraantii toddobaadkan, Football Insider ayaa sheegtay in Spurs ay iibin karto mid ka mid ah ciyaartoydeeda muhiimka ah xagaaga si ay u soo ururiso lacag ay ku dabarto aafada Corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here