Home Horyaalka England Trent Alexander-Arnold oo Wada-hadalo heshiis kordhin ah la furay kooxda Liverpool

Trent Alexander-Arnold oo Wada-hadalo heshiis kordhin ah la furay kooxda Liverpool

0

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda ee Trent Alexander-Arnold si ay heshiis cusub uga saxiixdaan.

Wadahadalada ayaa lagu soo waramayaa in ay horumarayaan si loo dhamaystiro heshiiska isla markaas xiddigu sii joogo kooxda.

Saxafiga Franz Biermann ayaa sheegaya in uu Trent Alexander-Arnold doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool.

Dhinaca kale kooxda ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga isla markaas uu sii joogo kooxda sanado badan.

Heshiiska uu Trent Alexander-Arnold qalinka ku duugayo ayaa lagu sheegayaa ilaa sanadka 2029 si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here