Thomas Tuchel oo ka hadlay abaarta goolal la’anta ee heysata Xidiga Lukaku

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa kalsooni ku qaba in Romelu Lukaku uu dib u heli doono qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

Tuchel ayaa ku adkeysanaya in Lukaku uu ku dayan doono xiddiga Tottenham Harry Kane islamarkaana uu dib u heli doono qaab ciyaareedkiisa sababtoo ah waa gool dhaliye dhashay.

Tuchel ayaa yiri: “Waxaan xusuustaa markii ay jireen dhaleecayn badan Harry Kane bilowgii xilli ciyaareedka, laakiin dhamaadka, isagu waa waxa uu yahay, waa gooldhaliye.

“Waxay ila tahay haddii aad tahay gool dhaliye heerkan ah, waa in aad goolasha ka dhalinaysay lix sano jir.

Chelsea ayaa maanta Wajaheysa Kooxda Tottenham kulan ka tirsan horyaalka Premier league-ga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*