
Thomas Tuchel ayaa ku adkeysanaya in ciyaartoyda Chelsea ay u baahan yihiin fasax ka dib barbarihii Talaadadii ay la galeen Brighton.
Blues ayaa ku dhibtootay barbaro 1-1 ah, waxaana qeybtii labaad ee ciyaarta ka dhaliyay ciyaaryahan Adam Webster .
Waxa ay ahayd kulankii todobaad ee Chelsea 21 kulan oo ay ciyaartay tartamada oo dhan waxana uu Tuchel sheegay in ciyaartoydiisa daalanyihiin.
Wuxuu u sheegay BT Sport : “Waxaan u muuqanay inaan daalnay, waanan nahay sidaan oo kale, waxaan ogeyn inay si fiican u diyaar garoobeen, waqti badanna ay isku diyaariyeen, waxaadna aragteen dhamaadka in garoonku uu u dabaaldegay sidii guul oo kale, taasi waa waxa aad wajihi doonto. Wax walba waanu isku daynay laakiin waxaad arkaysay inaan maskax ahaan iyo jidh ahaanba daalan nahay.
“Waxaan u baahanahay maalmo fasax ah, wiilashu waxay u baahan yihiin maalmo fasax ah, xal kale ma jiro.
Be the first to comment