Tuchel oo xaqiijiyay in Chelsea ay wadahadalo la yeelatay Kane si ay ugu dhaqaaqdo Xidigan

Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay wadahadalo la yeelatay wakiilada Harry Kane, inkastoo uu u maleynayay in weeraryahanka Tottenham Hotspur uu ku biiri doono Manchester City.

Tababaraha Chelsea ayaa ku farxay in Kane sii joogo Tottenham maxaa yeelay, wuxuu aaminsan yahay, sida Romelu Lukaku inuu leeyahay Saameyn Xoogan hadii uu ku biiro Kooxda City.

Tuchel ayaa si cad shaaca uga qaaday xiisaha uu u qabo Kane bishii May ka dib markii weeraryahanka Tottenham uu caddeeyay rabitaankiisa ku aaddan inuu u dhaqaaqo, wakiillada 28 jirka ayaana la xiriiray Chelsea.

“Wali ma sameyn liis ay ku qoran tahay magaciisa mana aanan tagin Marina [Granovskaia] si aan ugu sheego in lasoo iibiyo,” ayuu yiri Tuchel. “Laakiin kooxda ayaa xallisay xaaladda. 

Waxaa jira dad badan oo ku xeeran ciyaartooyda – wakiilladooda iyo la -taliyayaashooda iyo dadka u dhexeeya, oo waxaan xog ka helnay dadkan, laakiin marna sidaas uma dhowayn. ”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*