UEFA oo Magacowday garsooraha qaban doona ciyaarta koobka ee Super Cup ee Real Madrid iyo Eintracht Frankfurt

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona ciyaarta koobka ah ee UEFA Super Cup ee Real Madrid iyo Eintracht Frankfurt oo Arbacada toddobaadka dambe ka qabsoomi doonta magaalada Helsink ee waddanka Finland.

Real Madrid oo kusoo guuleysatay Champions League ayaa koob ku furan karta xilli ciyaareedka cusub, halka Eintracht Frankfurt ay iyaduna raadinayso inay guul kale ka keento fagaareyaasha Yurub kaddib hanashadii Europa League ee xilli ciyaareedkii tegay.

Garsooraha Ingiriiska ah ee Michael Olivier ayaa loo doortay inuu noqdo dhexdhexaadiyaha gudaha garoonka ee ciyaarta UEFA Super Cup ee Real Madrid iyo Eintracht Frankfurt oo martigelintiisa loo doortay garoonka quruxda badan ee Helsink Olympic Stadium.

Ciyaartan oo dhacaysa August 10, ayaa waxay Michael Olivier noqonaysaa markii lbaad ee uu qabto kulan ay kooxda reer Spain ee Real Madrid ciyaarayso oo tartamada Yurub ah.

waxaana  markii hore ee uu garsoorahani uu kasoo muuqday kulan ay Los Blancos ciyaarayso ay ahayd xilli ciyaareedkii 2017/18 oo uu dhexdhexaadiyey lugta labaad ee wareeggii siddeedda Champions League ee Juventus ay ku karbaasheen.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*