Weeraryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa si aad ah u doonaya inuu ka tago Manchester United kuna biiro Borussia Dortmund .
37 jirkaan weerarka halista ku ah ma doonayo inuu xilli ciyaareed ka maqnaado Champions League.
Sida laga soo xigtay jariiradda Jarmalka ee Bild , Ronaldo ayaa naftiisa u soo bandhigay Dortmund, isagoo rajeynaya in heshiis la sameeyo si uu ugu biiro kooxda Bundesliga ka dhisan.
Si kastaba ha ahaatee, isha ayaa intaa ku dartay in Dortmund aysan u badneyn inay raacdo heshiiska.
Kooxda reer Jarmal ayaa caan ku ah in ay dhaqaale ahaan aad u taxaddaraan wax-qabadkooda.
Ronaldo da’diisa iyo mushaharkiisa sare ayaa laga yaabaa inay ka dhigaan mid aan gaari karin BVB.