Verona 2-1 Juventus, Giovanni Simeone oo labo mar Shabaqa kasoo taabay Marwada Duqda

Kooxda Juventus ayaa guul daro lala filaan ah kala kulantay kooxda Verona kulan ka tirsan Horyaalka Serie A italy oo ku soo dhamaaday 2-1.

Xidiga Giovanni Simeone ayaa kala dhantaalay kooxda Juventus isagoo ka dhaliyay labo gool oo midkood ahaa gool Qurux badan.

Sharaxaada Ciyaarta.

Kubad Qaladkeeda ay lahaayeen Xidigaha Juventus isla markana uu soo baxshay Goolhayaha waxaa dhameestiray Giovanni Simeone Daqiiqadii 11aad.

Giovanni Simeone ayaana Saddex Daqiiqo kadib hogaanka u sii dheereeyay kooxda Verona isagoo kubad Qaroofan oo Qurux badan goolhayaha ka dhigay qeybta sare ee goosha waxana lagu kala nastay labadaasi gool.

Qeybta labaad Juventus ayaa sameysay isbadal xoogan, kubad uu kasoo shaqeeyay Danilo ayuu u dhigay W. McKennie kaasi oo kubad Awood badan Shabaqa ku hubsaday Daqiiqadii 80aad guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1.

Verona ayaa soo gashay kaalinta 8aad ee Horyaalka halka Juventus ay u dhacday booska 9aad inkastoo ay leeyihiin min 15 dhibcood.

Shaxda lagu soo bilaabay ciyaarta

Verona XI: Veloso, Lazovic, Faraoni, Gunter, Tameze, Caprari, L. Montipò, Dawidowicz, Barak, G.Simeone, N. Casale

Subs: Kalinic, A. Berardi, Ceccherini, Bessa, G. Magnani, Lasagna, M. Hongla Yma, Cetin, K. Rüegg, Sutalo, I. Pandur, M. Cancellieri

Juventus XI: Bonucci, Szczesny, Chiellini, Cuadrado, Danilo, Sandro, Morata, Dybala, Rabiot, Arthur, Bentancur

Subs: Pinsoglio, Perin, Bernardeschi, Locatelli, De Ligt, L.Pellegrini, Kulusevski, McKennie, Kaio Jorge

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*