Weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen ayaa maanta ka degay waddanka Germany iyadoo ay si weyn u doonayso kooxda ka dhisan magaalda Munich ee Bayern oo kula tartamaysa naadiyada horyaalka Premier League ee Manchester Unted iyo Chelsea.
Victor Osimhen kooxdiisa Napoli ka caawiyey in horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay ku guuleysatay 33 sannadood kaddib, ayaa lagu sawiray hotelka caanka ah ee Adlon Kempiriski ee magaalda Berlin, iyadoo ay wehelinayso gacalissadiisa Stephanie Ladewig oo u dhalatay Jarmalka, isla markaana taageerta Bayern Munich. Waxa kale oo la socotay curraddooda sannad-jirka ah ee ay u bixiyeen Hailey True.
24 jirkan oo aanay kooxdiisu ciyaari doonin illa laga gaadhayo Axadda oo naadigiisa Napoli uu kulanka ugu dambeeya horyaalka la ballansan yahay Bologna ayaa waxa safarkiisan ka dhashay shaki la xidhiidha mustaqbalkiisa.
Bayern Munich oo raadinaysa weeraryahan dhexe oo buuxiya booskii uu banneeyey Robert Lewandowski xagaagii hore ayaa la sheegay in uu yihidiilo gelinayo safarka uu Victor Osimhen ku tegay magaalada Berlin, halka kooxaha Machester United iyo Chelsea uu iyagana ku abuurayo walaac.
Si kastaba ha ahaatee, Napoli ayaa ku adkaysanaysa in aanay xagaagan iibin doonin Victor Osimhen, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in ay aqbalayso £130 milyan oo Gini oo kooxda bixiso ay la wareegi karto gool-dhaliyahan.