Victor Osimhen oo si maldahan u sheegay go’ankiisa ku biirista midkood Manchester United iyo Arsenal

Weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen ayaa ka dhawaajiyay inuu sii joogi doono kooxda ka dhisan Serie A xilli lala xiriirinayo Manchester United ama Arsenal xagaagan.

Xiddiga reer Nigeria ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Naples xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 17 gool waxana uu caawiye ka noqday lix gool 30 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

Qaab ciyaareedkaan ayaa la arkay 23-sano jirkaan lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Premier League, iyadoo Red Devils iyo Gunners lagu sheegay inay yihiin labada kooxood ee xiiseynaya saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo la hadlayay Radio Kiss Kiss , Osimhen ayaa ka hadlay rabitaankiisa ah inuu sii wado la shaqeynta tababaraha haatan ee Napoli Luciano Spalletti : “Waa inaan u mahadceliyaa Spalletti wax badan, wax badan ayuu iga caawiyay korriimadeyda kubbadda cagta dhinacyo badan, iyo Waa inaan u mahadceliyaa isaga iyo shaqaalihiisa oo iga caawiyay inaan dhaliyo dhammaan goolashaas.

Qandaraaska Osimhen ee Napoli wuxuu dhacayaa ilaa xagaaga 2025, ka dib markii uu kooxda ugu soo wareegay ku dhawaad ​​€ 70m (£ 60m) Sebtember 2020 – lacag rikoor ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*