Home Warka Xiisaha Leh Vinicius Jr Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Ka Tagayo Horyaalka Lagu...

Vinicius Jr Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Ka Tagayo Horyaalka Lagu Cunsuriyeeyay Ee La Liga

0
Ad

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr ayaa markale xalay ku dhibtooday garoon kale oo gudaha Spain ah isagoo u muuqda mid wajahaya olole cunsuriyad oo looga soo horjeedo.

Vinicius ayaa xalay kaadh casaan qaatay dhammaadkii kulankii ay guuldarrada 1-0 kala soo laabteen Valencia, 22 sano jirkaas ayaa afxumo badan kala kulmay taageerayaasha kooxda ku ciyaarta Mestalla Stadium.

Ad

Vinicius ayaa kaddib dhacdooyinkaas soo noqnoqday xilli ciyaareedkan wax badan laga qoray mustaqbalkiisa iyo sida ay dhacdooyinkaasi sabab ugu noqon karaan inuu gabi ahaanba ka cararo horyaalka La Liga iyo carriga Spain.

ESPN ayaa haatan daboolka ka qaaday in Vinicius go’aankiisu yahay inuu sii joogo Real Madrid oo uusan meelna uga socon balse wakiiladiisu riixayaan suurogalnimada uu Spain kaga tagi karo.

Kulanka kaddib ayuu tababare Carlo  Ancelotti sheegay in dalka Spain gabi ahaanba wax ka qaldan yihiin isla markaana uu la yaabay garoon dhan oo hal ciyaaryahan cunsuriyaynaya oo xataa uu ku dhawaaday inuu sababtaas darteed Vini u bedelo.

Da’yarka Brazilian-ka ah ayaa warbixin oo bartiisa Twitter-ka ku qoray ku sheegay in dalkiisa Brazil haatan Spain looga yaqaano dal cunsuriyadeed isla markaana uu ka xun yahay in horyaalkii mar ku suntanaa Ronaldo Nazario, Ronaldinho, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi haatan ku magacaaban yahay cunsuriyiin.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Isniin Ah 22-ka May
Next articleWAR DEG-DEG AH: Tababare Aqbalay Inuu Shaqada Tottenham Qabto Oo Kaga Guuleysanaya Luis Enrique

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here