Home Warar Ciyaaraha Maanta Vinicius Junior Oo Fariin Adag U Diray Cristiano Ronaldo

Vinicius Junior Oo Fariin Adag U Diray Cristiano Ronaldo

0
FILE PHOTO: Soccer Football - LaLiga - Osasuna v Real Madrid - El Sadar Stadium, Pamplona, Spain - March 16, 2024 Real Madrid's Vinicius Junior celebrates scoring their fourth goal REUTERS/Vincent West/File Photo

Kanaalka cusub ee Ronaldo ee YouTube-ka, waqtigan aynu qoreyno warbixintan , waxa uu ku dhowyahay 30 milyan oo macaamiil ah, taas oo la macno ah inuu heysto 29 Milyan.

Cristiano Ronaldo ayaa bilaabay bog cusub oo xirfadiisa ciyaareed ah isaga oo furay kanaalkiisa Youtube-ka ee UR Cristiano.

Saamaynta weyn ee 39 jirkaan uu ku leeyahay baraha bulshada ayaa ku kasbaday hambalyo shaqsiyaad caan ah oo uu ku jiro xiddiga Real Madrid Vinicius Junior.

Kabtanka Al-Nassr ayaa ku qaatay kaliya hal saac iyo 29 daqiiqo si uu u helo calaamadda Youtubeka ee Milyanka, sidoo kale 22 daqiiqo oo kaliya ayee ku qaadatay inuu helo Silver Playbuttonka ee 100,000 Subscribe.

Guusha uu ka gaadhay Youtube-ka waxa ay muujinaysaa guulihii uu ka gaadhay rikoodhada kubbada cagta, isaga oo awood u leh in uu gaadho hal bilyan oo macaamiil ah oo hadda indhaha lagu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here