Vinicius Junior oo taam u ah kulanka Real Madrid ee Valencia

Vinicius Junior ayaa taam u noqon doona Real Madrid kulanka ay la ciyaarayaan Valencia isbuucaan.

Real Madrid ayaa tababartay subaxnimadii Khamiista ka hor kulanka Valencia habeenka sabtida, waxaana kooxda si wayn u soo dhaweeyay in Vinicius Jr uu ku soo laabtay tababarka isla markaana uu diyaar u yahay kulankaas.

Kulankii Copa del Rey ee ay la ciyaareen Alcoyano, Karim Benzema , Ferland Mendy iyo Luka Modric ayaa ka maqnaa dhamaantood, iyagoo sidoo kale soo laaban doonaan Sabtida.

Vinicius Jr ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa khamiistii.

Gareth Bale ayaan Dhaawac aheyn sida uu shaaca ka qaaday Carlo Ancelotti , si kastaba ha ahaatee waxa uu weli sii wadaa tababarka kaligiis isagoo sugaya in la siiyo wax walba oo cad si uu ugu soo laabto kulamo xiriir ah.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*