Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa ku tilmaamay Vinicius Junior “ciyaaryahanka ugu saamaynta badan kubbada cagta aduunka” kadib qaab ciyaareedkii wacnaa ee uu soo bandhigay kulankii Liverpool.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa dhaliyay labo gool kulankii ay Real Madrid 5-2 kaga badisay Reds lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ka dhacay garoonka Anfield.
Liverpool ayaa laba gool ku hogaaminaysay garoonkeeda, waxaana goolasha u kala dhaliyay Darwin Nunez iyo Mohamed Salah , laakiin Los Blancos ayaa shan gool dhalisay iyada oo aan wax jawaab ah ka bixin si ay u hesho faa’iido wayn oo lugtii hore ah.
Vinicius ayaa laba gool dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/2 ka hor inta ayna Eder Militao iyo Karim Benzema laba gool dhalin qaybtii dambe ee ciyaarta.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Ancelotti ayaa ammaanay Vinicius, isagoo ku tilmaamay xiddiga reer Brazil “ciyaaryahanka ugu saameynta badan kubbadda cagta adduunka”.