Home Warar Ciyaaraha Maanta Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool

Virgil van Dijk Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool

0

Virgil van Dijk ayaa ku adkeysanaya inuu “deggan yahay” mustaqbalkiisa Liverpool, inkastoo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wada xaajoodyada qandaraas kordhinta xilligan.

Daafaca reer Holland ayaa galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Anfield waxana uu ka mid yahay xiddigo waaweyn oo madax xanuun ku haya Liverpool isaga oo ay weheliyaan Trent Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah.

Waxaa jiray soo jeedinno 33-sano jir ah oo laga yaabo inuu raaco tababarihii hore ee Jurgen Klopp albaabka ka bixitaanka xagaagan, laakiin Van Dijk ayaa weli ah mid ay ka go’an tahay Liverpool, wuxuuna carabka ku adkeeyay in mustaqbalkiisu uusan noqon doonin mid mashquuliya xilli ciyaareedkan.

“Aad ayaan u deganahay,” Van Dijk ayaa u sheegay Sky Sports.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro xilli ciyaareedka ugu fiican, mar labaad, waxaan doonayaa inaan noqdo mid muhiim ah oo aan muhiim u ahaado kooxda sanadkan”.

“Wax kasta oo dhaca sanadka soo socda, waan arki doonaa, wax walba waxay ku dhacaan sabab, sidaas ayaan u arkaa, hadda, ma jiraan wax isbedel ah oo ku yimid xaaladdeyda, laakiin aad ayaan u deganahay, ma jirto sabab aan ugu fikiro wax kale sababtoo ah waxaan haystaa xilli ciyaareedka oo dhan si aan u ciyaaro”.

“Wax walba oo dhaca mustaqbalka, Anfield waxa ay qalbigeyga ku leedahay boos gaar ah, waxaana ay ahayd mid guulo badan, aan aragno waxa dhaca”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here