Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka Chelsea ee bilawgii xili ciyaareedkan ka hor kulanka ay labada kooxood ku kulmayaan premier League.
Liverpool iyo Chelsea ayaa kulmi doona berri oo Axad ah, taasoo qayb ka ah ciyaaraha horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedka 2024-2025.
Van Dijk oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Waan ogahay in Anfield ay heegan u noqon doonto booqashada Chelsea, waxaana hubaal ah inaan raadin doono inaan ka faa’iidaysano buuqan iyo jawiga isla markaas ku dadaali doono in aan helno saddexda dhibcood”.
Waxa uu intaa ku daray: “Aad ayaan ula dhacay horumarka ay Chelsea ku tallaabsatay xilli ciyaareedkan, waxaan idhi dhawr toddobaad ka hor, ka dib guushii aanu ka gaarnay Wolverhampton Wanderers in ay chelsea ku jirto qaab ciyaareed aan loo fiirsanayn laakiin ma dhayalsan doono”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxaan samaynay isbedelo badan koox ahaan labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, laakiin hal shay oo hubaal ah ayaa ah in ay haystaan koox ay ka buuxaan ciyaartoy aad u fiican oo kubada cagta ah, kuwaas oo dhibaato u keeni kara koox kasta”.
“Waxay sidoo kale leeyihiin tababare fiican oo leh fikrad cad kaas oo doonaya in ay si gaar ah u ciyaarto kooxdiisu”.