Home Warar Ciyaaraha Maanta Virgil van Dijk oo markii ugu horeysay xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii...

Virgil van Dijk oo markii ugu horeysay xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo garoonka Anfield

0

Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo garoonka Anfield wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

isagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay Reds iyo sida uu u arko mustaqbalkiisa inuu u ciyaaro koox iyo wadanba.

Daafaca reer Holland ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda Liverpool isaga oo muujiyay in uu u qalmo lacag kasta oo laga soo bixiyay markii uu ku soo biirayay kooxda.

Van Dijk oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xulka qaranka iyo Liverpool wali waxa aan ahay Virgil Van Dijk, waxa aan doonayaa in aan sii joogo ugu yaraan 2-da sano ee soo socota”.

“Waan ku faraxsanahay in aan u ciyaaro Liverpool sidaas darteed waxa aan doonayaa in aan ku sii negaado kooxda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Heshiiska Van Dijk ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu wadahadalo la furi karaa kooxaha aan ka ciyaarin England suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here