Home Suuqa Kala iibsiga Virgil van Dijk oo qirtay in aan wax horumar ah laga samayn...

Virgil van Dijk oo qirtay in aan wax horumar ah laga samayn wadahadaladii heshiis kordhinta.

0

Kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa qirtay in aan wax horumar ah laga samayn wadahadaladii heshiis kordhinta.

Van Dijk ayaa noqday tiirka kooxda Liverpool tan iyo markii uu 75 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Southampton xagaagii 2018.

Xiddiga reer Holland ayaa u saftay Reds 270 kulan oo tartan ah isaga oo kooxda ka caawiyay in ay ku guulaystaan  Premier League, Champions League FA Cup, UEFA Super Cup, FIFA Club World Cup iyo laba EFL Cup.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa ka mid ah seddex ciyaaryahan oo muhiim ah oo galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskooda Liverpool, waxaana kula jira Trent Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah.

Sida ay hadda tahay Liverpool ayaa halis ugu jirta in ay si xor ah ku waydo daafaca xagaaga dambe hadii ay awoodi waayaan in ay si guul ah uga wada xaajoodaan heshiis cusub.

Van Dijk ayaa horay u sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda, laakiin haatan wuxuu daaha ka qaaday inaysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray wada xaajoodyada qandaraas kordhinta.

Markii wax laga weydiiyay wadahadalada qandaraas kordhinta wuxuu yidhi:-

“Ma jiraan wax isbedel ah hadda.”

Ka dib markii uu dhawaan ka soo laabtay fasaxii xagaaga, Van Dijk waxa uu helay waqti ciyaareed qiimo leh kulankii Sevilla, isagoo ciyaaray 74 daqiiqo ee ka hor xilli ciyaareedka.

“Si buuxda ayaan ugu qanacsanahay oo aan ku kalsoonahay kooxda in ay noo qaban doonaan waxa saxda ah oo ay heli doonaan kooxda ugu macquulsan si aan ugu tartano tartan kasta oo aan ku jirno.

“Taasi waa waxa ugu weyn ee aan diirada saarayo, in aan kalsooni yeesho, waana arki doonaa waxa dhaca.

Waxaan u maleynayaa inay si adag uga shaqeynayaan daaha gadaashiisa, waan arki doonaa sida ay taasi u dhacdo.” Ayuu hadalkiisa kuso xidhay Van Dijk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here