Home Warar Ciyaaraha Maanta Virgil van Dijk oo qirtay in falcelintii degenayd ee Liverpool ee goolkii...

Virgil van Dijk oo qirtay in falcelintii degenayd ee Liverpool ee goolkii laga dhaliyay Milan ay u qalantay amaan

0

Daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk ayaa qirtay in falcelintii degenayd ee Liverpool ee goolkii laga dhaliyay Milan ay u qalantay amaan, iyadoo Reds ay ku soo laabatay guul 3-1 ah kulankoodii furitaanka ee Champions League.

Kabtanka Liverpool ayaa sheegay in kooxdiisu ay u muuqatay inaysan wax qorshe ah lahayn intii lagu jiray guuldaradii lama filaanka ahayd ee 1-0 ka soo gaartay Nottingham Forest ee Premier League ee bilowgii todobaadka.

Mar la waydiiyay in tani ay tahay jawaabtii ugu fiicnayd ee guuldaradii ka soo gaadhay Forest, waxa uu yidhi: “Waan is dejinay, waxaana u ciyaarnay sidii aan rabnay halkii aan ku wareegi lahayn wax qorshe ah oo aan haba yaraatee lahayn, sidii aanu samaynay nus saac ee ugu dambeeyay ciyaartii u dambaysay.”

Daafaca 33-jirka ah ayaa xaqiijiyay inuusan waligiis ka walwalin dhaleeceynta ka dib guuldaradii ka soo gaartay Forest, taasoo timid ka dib markii Liverpool ay badisay seddexdii kulan ee ugu horeysay ee Sloat iyadoo aan laga dhalinin hal gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here