Home Warar Ciyaaraha Maanta Waa Imisa Dhibcaha Looga Baahanyahay Kooxaha U Gudbaya Wareega 16-ka Champions...

Waa Imisa Dhibcaha Looga Baahanyahay Kooxaha U Gudbaya Wareega 16-ka Champions League?

0

Tartan cusub oo champions League ah ayaa maanta bilaaban doona iyada oo kooxuhu isha ku hayaan tartan xiiso leh.

Waxa laga gudbay wareegii Group-yada ee tartanka waxana loo gudbay qaab Horyaal ah iyada oo kulamo badan la ciyaari doono.

Heerka Horyaalka ee tartanka champions League ayaa socon doona bisha September 2024 ilaa January 2025.

36 kooxood ayaa ciyaari doona 8 kulan heerka League iyada oo 8 kooxood ee ugu saraysa ay u gudbi doonto wareega 16-ka tartanka.

Dhanka kale kooxaha ku dhamaysata 9 ilaa 24 ayaa gali doona kulamo kala bax ah si loo helo 8 kooxood ee kale ee dhamaystiri doona 16-ka kooxood.

Xog la sameeyay ayaa lagu shaaciyay in 15 ilaa 16 dhibcood ay kooxda kaga filnaan dooto in ay u gudbaan wareega 16-ka tartanka Champions league.

Arintaas ayaa la macno ah in kooxaha looga baahan yahay in ay badiyaan ugu yaraan 5 kulan 8-da kulan ee heerka Horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here