Home Suuqa Kala iibsiga Waa Imisa Qiimaha lagu Wan-Bissaka Oo La Shaaciyay.

Waa Imisa Qiimaha lagu Wan-Bissaka Oo La Shaaciyay.

0
Manchester United, ayaa habeenimadii Axadda, heshiis la gaartay Aaron Wan Bissaka oo ku saabsanaa heshiis bixitaan si loogu gogol xaaro 15 milyan oo ginni oo uu ugu wareegayo West Ham.

Daafaca midig ayaa lagu wada wax walba oo heshiiskiisa ku saabsan in la dhameeyo maanta.

Heshiiska Bissaka waxay ahayd in xalayba lagu dhawaaqo balse waxaa lala sugayay ilaa intay United ka dhamaynayso saxiixyada Mazraoui iyo de Ligt.

United ayaa ogolaatay inay 55.8 milyan oo ginni kula soo wareegto Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui oo ka yimid Bayern Munich iyadoo labadooduba ay haatan ku sugan yihiin Manchester.

Talaabada Mazraoui waxay ku xidhnayd iibka Wan-Bissaka.

Saacadaha soo aadan ayaana heshiisyadooda si rasmi ah loogu dhawaaqi doona.

Waxaana la filaya in heshiisyo shan sano ah ay qalinka ku duugaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here