Halyeyga Chelsea Pat Nevin ayaa ku baaqay in la iibyo xidiga Mudryk ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga
Saxiixa 100ka milyan euro ee January ayaa ku dhibtoonayay in uu garoonka soo galo tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan.
“Mudryk lama siin waqtiga ciyaarta xilli ciyaareedkan,” Nevin ayaa yidhi. “Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, Arsenal-na aad ayay u dooneysay, mana u shaqeyn xilli ciyaareedkii hore, laakiin yaa ka shaqeeyay xilli ciyaareedkii hore ee Chelsea ?
“Waxay ku xiran tahay sida uu qabo Pochettino, waxay ku qarash gareeyeen lacag aad u badan ciyaaryahan aan weli si fiican u soo bixin.
“Laakiin waan ka murugoon lahaa maadaama aan u malaynayo inuu yahay ciyaartoy fiican, wuxuuna u baahan yahay inuu ka mid noqdo koox isaga ku habboon, koox guulaysata oo weerar ah, maaha koox kalsooni ka maqan garoonka oo dhan”.