Waa Kan Gool Dhaliyaha Kooxda Real Madrid u Badalaaya Karim Benzema

Iyadoo mustaqbalka kabtan Karim Benzema yahay mid aan meel lagu hubin ayuu suuqa xagaaga weeraryahan cusub ka doonan karaa tababare Carlo Ancelotti.

Benzema ayaan wali wax heshiis kordhin ah u samayn Madrid xilli qandaraaskiisii hore dhammaadka xilli ciyaareedkan ku eeg yahay.

Magacyo ay kamid yihiin Kylian Mbappe iyo Erling Haaland ayaa loo arkayay mustaqbalka fog ee Madrid, sidoo kale Harry Kane ayaa la xusay.

Los Blancos ayaa la filayaa inay bartilmaameedsadaan weeraryahan da’yar oo joogto ka noqda hoggaamiyana weerarkooda, xiddiga shuruudahaas buuxin kara ayaa ah Dusan Vlahovic oo Juventus ka tirsan.

Vlahovic ayaa kamida wali weeraryahanada da’da yar ee ugu wanaagsan Yurub walow uu xilli ciyaareed hooseeya ku qaadanayo Turin haatan.

Sida uu sheegay wargeyska ree Spain ee Fichajes, Dusan ayaa haatan saxeexiisa usoo bandhigay Madrid iyadoo kooxo kale oo Premier League ah sidoo kale lala xidhiidhinayo.

Vlahovic oo kaliya 22 sano jir ah ayaa mustaqbal wanaagsan ku yeelan kara Real haddii uu qaab ciyaareedkiisii Fiorentina dib u helo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*