Waa kan Xiddiga Halyeeyga Manchester United ee Patrice Evra uu ka Xushay Xulka England Ee Uu Man United

Halyeeyga Manchester United ee Patrice Evra oo marti u ahaa saaxiibkiisii hore ee kooxdaas ee Rio Ferdinand ayaa
tilmaamay xiddiga xulka England ka tirsan ee uu Manchester la jeclaa.

Xiddigaas ayaa ah da’yarka Borussia Dortmund ee Jude Bellingham oo wacdarro kasoo dhigay kulankii furitaanka ee
ay Iran lasoo dheeleen oo uu gool dhaliyay bandhigiisa guudna aad u fiicnaa.

Marka laga yimaado inuu goolka koowaad ee Enland soo dhaliyay, Jude ayaa muujiyay sida uu difaac ahaan iyo
weerar ahaanba muhiim ugu yahay xulka saddexda libaax.

Evra oo Ferdinand kala sheekaysanaya fursada England ee koobka aduunka ayaa yidhi “Rio aan daacad kuula hadlo,
anigu lama yaabani qaabka England ku bilaabatay”

“Waa markii koowaad ee England sidaas ku bilaabato tartan xilli uusan dalka oo dhammi aaminsanayn, kahor guusha
kulankaas ilaa lix kulan ayay guul la’aan ahaayeen waxaanan dareemayaa in qaabka saxaafadu u eedaysay ee aysanu aaminsanayn inuu kulankaasi jawaab fiican u ahaa”.

“Marka aan arko isaga oo u ciyaaraya Dortmund waxaan jeclaan lahaa inaan arko isagoo u ciyaaraya koox sida Man
United ah, ala muxu ciyaartoy yahay

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*