Arsenal ayaa wajihi doonta Man United kulan premier League ah iyada oo ku dhibaatoonaysa dhaawacyo.
Tan ilaa markii laga soo laabtay fasaxa caalamiga ah, Gunners ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo dhaliyay 13 gool 3 kulan oo xidhiidh ah oo ay ka gaadheen Nottingham Forest, Sporting Lisbon, iyo West Ham.
Iyada Martin Odegaard ku soo laabtay shaxda sidoo kale Bukayo Saka ku jiro qaab ciyaareed cajiib ah Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala saraynta laakiin waxa ay la ciyaarayaan Man United oo hogaaminayo tababare Ruben Amorim.
Walaaca ugu badan ee Arsenal ayaa ah taam ahaanshaha daafaca dhexe ee Gabriel Magalhaes kaas oo la badalay labadii kulan ee ugu dambeeyay.
Sidoo kale waxa la hubaa in ay kulanka seegi doonaan xiddigaha Takehiro Tomiyasu iyo Ben White sababo la xidhiidha dhaawac.
Daafaca dhexe ee Riccardo Calafiori ayuu sidoo kale shaki ku jiraa halka xiddigaha Merino iyo Partey sidoo kale shaki ku jiro taam ahaanshohooda.