Xiddigii hore ee Liverpool Salif Diao ayaa ku eedeeyay tababare Jurgen Klopp inuu sabab u ahaa bixitaankii Sadio Mane ee Liverpool.
Mane ayaa ka tagay Liverpool isaga oo lacag dhan 35 milyan ah ugu biiray Bayern Munich.
“Waxaan u maleynayaa inuu halkaan joogay dhowr sano, waxaan u maleynayaa in mar uu u maleynayay inuusan haysan jacayl uu u baahan yahay”ayuu Diao u sheegay Liverpool Echo.
“Anigu kama hadlayo taageerayaasha laakiin waxa aan ka hadlayaa tababaraha”.
“Arimuhu uma socon sidii ay ahayd in ay u socdaan sidaas darteed waxa uu go’aansaday in uu isaga tago kooxda, waxa aan qabaa in uu yahay xiddig heer sare ah”.
Mane ayaa koob walba kula guulaystay Liverpool 6-dii sano ee uu joogay kooxda Liverpool isaga oo sidoo kale goolal badan u dhaliyay.