Manchester United ayaa la daalaa dhaceysa bilawgoodii ugu xumaa abid ee xilli ciyaareed Premier League ah, waxay u muuqataa in tababare Erik ten Hag laga ceyrin doono shaqada Manchester United.
Macalinka reer Holland ayaa ku guuleystay labo koob intii uu joogay kooxda; si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedka horyaalka ee Red Devils ayaa walaac laga muujiyay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.Teh hag ayaa u muuqda mid aan sameyn wax horumar ah tan iyo intii loo dhiibay shaqada Manchester United walow lacago badan lagu qarash gareeyay suuqa kala iibsiga ee ciyaartooyda.
Iyadoo Ten Hag uu u muuqdo mid ka sii dhamaanaya shaqada Man Utd, waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa afar tababare oo laga yaabo iney bedelaan Erick Ten hag.
1. Massimiliano Allegri
Allegri waxa uu caan ku yahay dhisidda difaacyo adag. Intii uu ku sugnaa Juventus, kooxdiisu aad ayay u adkeyd in gool laga dhaliyo. Man Utd ayaa dhibaato weyn ka qabta dhanka daafaca, Allegri ayaana loo arkaa in uu taas hagaajin karo. Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedkiisa ayaa laga yaabaa inuusan ahayn midka ugu xiisaha badan, laakiin uu ugu yaraan dhaami doono Ten hag.
2. Gareth Southgate
Southgate hadda waa macalinka England, waxaana horay loola xiriirinayay Man Utd. Xeeladiisa weerar celiska ah ayaa ku haboon ciyaartoyda sida Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes, kuwaas oo xariif ku ah nidaamkaas. Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha qaar ayaa laga yaabaa inaysan ku faraxsanaan doonin doorashadan sababtoo ah tababarahan ayaa horay dhaleeceyn ugala kulmay taageerayaasha England.
Tuchel ayaa sumcad weyn ku leh ciyaaraha Europe, isagoo soo maamulay kooxo waaweyn sida Bayern Munich, Chelsea, iyo Paris Saint-Germain. Wuxuu kula guuleystay koox walba uu soo leyliyay koobab.
Tuchel waa nin ad-adag oo leh hab tababare nimo soo jiidasho leh, taasoo noqon karta waxa kooxda Manchester United u baahan tahay hadda.
4. Ruud van Nistelrooy
Van Nistelrooy, oo hore ugu ciyaari jiray Manchester United, waxa uu hadda hayaa shaqada tababare ku xigeenka kooxda. Waxa uu soo leyliyay kooxda PSV Eindhoven, halkaas oo uu koob ku qaaday. Waxa uu noqon karaa xal ku meel gaar ah, sida Ole Gunnar Solskjaer, waxaana laga yaabaa inuu keeno isbeddel.