Tababarihii hore ee kooxda Liverpool ayaan inta badan samayn jirin khalad dhinaca suuqa ah intii uu joogay kooxda laakiin waxa uu ku dhawaaday in uu galo khaladkii ugu weynaa ee xirfadiisa tababaranimo si uu u badalo Mohamed Salah.
Tababaraha reer Germany ayaa ku fikiray qorshaha ugu fiican sanadkii 2022 markii uu isku dayay in uu u dhaqaaqo xiddiga ku fashilmay Man United haatan ee Antony si uu ugu badalo Xiddiga Mohamed Salah.
Salah ayay wax ka yar hal sano uga dhimanayd heshiiskiisa iyada oo xiddiga la filayay in uu isaga tago kooxda.
Klopp ayaa maamulka kooxda u sheegay in uu Antony yahay badalka ugu haboon ee Mohamed Salah hadii uu ka tago kooxda.
Tababaraha ayaa ku qancay qaab ciyaaredka Antony oo wakhtigaas ku jiray qaab ciyaareed heer sare ah isla markaas dhaliyay 12 gool 10 kalena caawiye ka noqday.
Laakiin ugu dambayntii maamulka Liverpool ayaa Salah ku qanciyay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub.