Guddiga qabanqaabada abaal marinta Ballon d’Or ayaa soo saaray bayaan, iyagoo ka jawaabaya wararka faafiyay ee sheegaya in abaal-marintan aan la guddoonsiinin xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior.
Dhammaan xogaha la faafiyay maalmihii la soo dhaafay ayaa tilmaamayay in Vinicius Junior, xiddiga Real Madrid uu ku guuleystay abaalmarinta.
Idaacada “RMC” ayaa xaqiijisay inay caro weyn ka jirto Real Madrid, ka dib markii ay ogaadeen in Vinicius Junior uusan caawa ku guuleysan doonin abaalmarinta Ballon d’Or, waxayna go’aansadeen inaysan u safrin Paris.
Guddiga qabanqaabada abaal marinta Ballon d’Or ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay ku xaqiijinayaan in uusan jirin ciyaaryahan, tababare ama koox la garanayo in ay ku guulaysteen abaalmarinta.
Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo Real Madrid ay ka laabatay inay ka warbixiso xaflada iyadoo loo marinayo warbaahinta, taasoo ka dhigaysa inay ku dhowdahay in xiddiga reer Brazil aan lagu caleemo saari doonin abaalmarinta.