Home Warka Xiisaha Leh Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Wacdaraha Ku Dhigaya Ee Atletico Madrid Bilaash...

Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Wacdaraha Ku Dhigaya Ee Atletico Madrid Bilaash Ugu Biiri Karaa?

0
Ad

Ceballos ayaa si gaar ahaaneed bilihii January iyo February aad muhiim ugu ahaa Los Blancos isagoo ka ciyaar wanaagsanaa xiddigaha ay boos wadaaga yihiin.

Iyadoo Aurelien Tchouameni dhaawacii kasoo kabtay isla markaana Luka Modric taam ahaanshaha buuxa dib u helay ayay markale fursada Ceballos yaraatay kulamadii u dambeeyay.

Ad

Heshiiska 26 sano jirkaasi ku joogo Santiago Bernabeu ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan ku eeg, wargeyska Marca ayaa sheegaya in muhiimadiisa koowaad tahay inuu sii joogo Madrid.

Sidoo kale Ceballos ayaan ka madhnayn kooxo badan oo lasoo xidhiidhaya wuxuuna wicitaano ka helayaa Atletico Madrid iyo kooxo Premier League ah.

Marca ayaa sheegaya in Madrid ku waayi karto Ceballos sababtoo ah inaysan wax xidhiidh ah la samaynin wali halka Atleti laba jeer la xidhiidhay shaqsiyaadka masuulka ka ah si ay ula wadaagto doonisteeda.

Iyadoo Ceballos muhiimada koowaad siinayo inuu Madrid sii joogo haddana dalabaadka uu ka kala helo laba dhinac ayaa muhiim ahaan doona.

Atletico Madrid ayaa u ballanqaadaysa wakhti ciyaareed ka badan midkiisa haatan waxaana intaas u dheer inay ciyaaryahanka rabitaan cad u muujiyeen.

Previous articleXiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester United oo kaamirooyinku qabteen isaga oo nuugaya maandooriye
Next articleReal Madrid Oo Beddelka Karim Benzema Ka Heshay Arsenal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here