Home Wararka Ciyaaraha Waa kuma Xiddiga Uu Carlo Ancelotti Saxiixiisa Shaqsiyan Uga Dalbaday Real Madrid?

Waa kuma Xiddiga Uu Carlo Ancelotti Saxiixiisa Shaqsiyan Uga Dalbaday Real Madrid?

0

Sida ay warar cusubi sheegayaan, waxa jira saxeex cusub oo uu tababare Carlo Ancelotti ka dalbaday kooxdiisa Real
Madrid kahor suuqyada soo socda.

Saxafiga Talyaaniga ah ee Valter de Maggio ayaa sheegaya in Carlo uu Madrid ka doonayo khadka dhexe ee kooxda
Napoli ee Stanislav Lobotka.

Heshiiska uu Lobotka kula joogo kooxda xilli ciyaareedkan wacdaraha dhigaysa ee Napoli ayaa ah mid dhacaya
xagaaga 2025 iyadoo qiimihiisa suuqu yahay 35 Milyan oo euro.

Valter de Maggio ayaa intaas ku daraya in saxeexa uu Ancelotti usoo jeediyay Madrid ee Lobotka yahay mid aqoon u
leh horyaalka La Liga oo uu hore Celta Vigo ugu soo ciyaaray.

Si kastaba, dhawaan ayay ahayd markii tababaraha Talyaaniga ahi uu sheegay inuusan wax saxeexyo ah oo kale u
baahnayn xilli ciyaareedkan taas oo ka dhigan inay ka maqan yihiin suuqa January.

Previous articleWaa kan Xiddiga Halyeeyga Manchester United ee Patrice Evra uu ka Xushay Xulka England Ee Uu Man United
Next articleLuis Enrique oo ka hadlay in Xidigaha Spain Sameyn karaan Galmo ka hor kulankooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here