Home Warka Xiisaha Leh Waa kuwan liiska 20ka ciyaartoy ee uu Mikel Arteta kala hortegayo Everton...

Waa kuwan liiska 20ka ciyaartoy ee uu Mikel Arteta kala hortegayo Everton ee Maantay

0

Arsenal waxay maanta maraysaa imtixaan adag oo laga doonayo inay uga gudubto sidii ay samaysay laba usbuuc ka hor oo ay Manchester United 3-1 ku karbaashtay waqti dambe, laakiin su’aasha ayaa ah miyey Everton u nugushahay sidii Man United u kala daadsanayd daqiiqadahaas oo kale.

Arteta ayay kooxdiisu tegaysaa Goodison Park oo ay marti ugu noqonayso Everton oo niyadda ciyaartoydeeda ay soo kicisay in kooxda la kala iibsaday oo ay heli doonto maalgelin suuqa iibka ciyaartoyda ee January.

Gunners waxa taam usoo noqday oo kulamadii caalamiga ahaa ciyaray Oleksandr Zinchenko oo sidoo kalena qayb ka ahaa ciyaartii Man United iyo Gabriel Magalhaes oo difaaca dhexe ah,, inkasta oo laacibkan ay jug kasoo gaadhay ciyaarihii caalamiga ahaa ee xulka qarankiisa Brazil.

Tababare Mikel Arteta ayaa xaqiijiyey in Gabriel iyo Bukayo Saka ay taam yihiin inkasta oo labadoodaba la sheegayay in ay dhaawacyo qabaan, laakiin waxa uu meesha ka saaray Thomas Partey oo uu xusay inuu muddo usbuucyo ah kasii maqnaan doono garoomada.

Mohamed Elneny ayaan wali kasoo kicin dhaawac waqti dheer ah oo soo gaadhay xilli-ciyaareedkii hore, halka Jurrien Timber laga quustay illaa sannadka dambe.

Go’aan adag ayaa laga sugayaa in uu qaato tababare Mikel Arteta sababtoo ah waxa taalla dood ah in David Raya uu ka fiican yahay Aaron Ramsdale, waxaana maalmihii ugu dambeeyey la isla dhax-marayay in Raya uu kusoo bilaaban doono maanta.

Waa kuwan liiska 20ka ciyaartoy ee uu Mikel Arteta kala hortegayo Everton

Goolhayeyaal: Aaron Ramsdale, David Raya

Difaacyahanno: Ben White, Gabriel Magalhaes, William Saliba, Oleksandr Zinchenko, Takehiro Tomiyasu, Jakub Kiwior

Khadka Dhexe: Declan Rice, Martin Odegaard, Kai Havertz, Fabio Vieira, Emile Smith Rowe, Jorginho

Weeraryahanno: Bukayo Saka, Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli, Leandro Trossard, Eddie Nketiah, Reiss Nelson

Previous articleChelsea oo la daalaa-dhacaysa dhaawacyada ciyaartoydeeda ee sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa
Next articlePeter Schmeichel oo weerar ku qaaday difaaca Red Devils ee Lisandro Martinez

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here