Gary Neville ayaa ku eedeeyay tababarihii hore ee Old Trafford Erik ten Hag inuu sameeyay ‘labadii saxiix ee ugu xumaa taariikhda Manchester United’.
United ayaa wadahadalo kula jirta Ruben Amorim ka dib markii ay ugu dambeyntii ceyriyeen Ten Hag horaantii isbuucaan.
Nevilla ayaa sheegay in uu Ten Hag sameeyay labadii saxiix ee ugu xumaa ee ay Man United Abid samayso kuwaas oo kala ah Antony iyo Casemiro.
United ayaa ku qarash gareysay in ka badan 80 milyan xiddiga Antony kaas oo ay kala soo wareegtay Ajax xagaagii 2022 laakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaan wali ku bilaaban kulan premier League ah xilli ciyaareedkan.
Casemiro ayaa yimid isla sanadkaas kadib 9 sano oo uu joogay Real Madrid halkaas oo uu kula guulaystay shan koob oo Champions League ah iyo saddex horyaal oo La Liga ah.
Laakiin xiddiga 70 milyan ugu yimid United ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado premier League waxana uu la kulmay dhaleecayn xoogan
“Dhaxalka Erik Ten Hag waxa ay noqon doontaa ku guulaysiga koobabka gaar ahaan koobkii ay kooxdu ka qaaday Man City ee FA Cup-ka”ayuu Neville yidhi.
“Taasi waxay ahayd maalin gaar u ah taageere kasta oo Man United ah mana iloobi doono”.
“Dhinaca saxiixyada ayaa laakiin ahaa kuwo waalan hadii aan runta ka hadlo”.
“Waxa aan qabaa in uu Ten Hag sameeyay labadii saxiix ee ugu xumaa taariikhda Man United markii uu la soo saxiixday Casemiro iyo Antony”.
“Waxa laga soo bixiyay 140 ilaa 150 milyan waxana ay ahayd saxiixyo lagu naxay kadib guuldarooyinkii Brenford iyo Brighton”ayuu sii raaciyay.