Home Wararka Ciyaaraha Waa Maxay Shuruuda Adag Ee Uu Mason Mount Ku Xiray Inuu Heshiis...

Waa Maxay Shuruuda Adag Ee Uu Mason Mount Ku Xiray Inuu Heshiis Cusub U Saxiixo Chelsea?

0

Da’yarka kubad sameeyaha khadka dhexe ee Chelsea ee Mason Mount ayay wararku sheegayaan inuu shuruud ku xidhay heshiis kordhin uu u sameeyo kooxdaas.

Mount iyo Chelsea ayaa si wadajir ah iskugu raacay in la hakiyo wadahadalka heshiis kordhinta mudada uu ku maqan yahay koobka aduunka.

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya xog cajiib ah oo ah in Mount uu Blues ku xidhay shuruuda ah inay 300,000 oo pound mushahar u siiyaan toddobaadkii si uu heshiis cusub qalinka ugu duugo.

Heshiiska uu haatan ku joogo Stamford Bridge ayaa ah mid ay ka hadheen 18 bilood, walow ay wadahadaladu socdeen haddana ma jiro wax horumar weyn ah oo laga sameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Chelsea heshiis cusub oo wakhti fog ah ka saxeexatay daafaceeda midig ee Reece James oo Usbuucii 250,000 oo pound qaata.

Previous articleChelsea Oo Go’aan Kama Damays ah ka Gaartay Xiddiga Cristiano Ronaldo
Next articleArsenal Oolagu wargaliyay In Ay Ugu Dhaqaaqdo Saxiixa Cristiano Ronaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here