Home Warar Ciyaaraha Maanta Waa Sidee Xaalada Dhaawaca Dani Olmo iyo Barcelona oo Heshay war Naxdin...

Waa Sidee Xaalada Dhaawaca Dani Olmo iyo Barcelona oo Heshay war Naxdin leh?

0

Spain ayaa Dani Olmo dib ugu dirtay Barcelona kadib markii uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii ay barbaraha 0-0 la galeen Serbia.

Xiddiga Olmo ayuu dhaawac halis ah ka soo gaadhay jilibka waxana laga saaray ciyaartii ay bar-baraha la aleen xulka Serbia.

Olmo ayaa seegay kulankii uu xulkiisu ka badiyay xulka Switzerland Axadii waxana la sheegay in uu ku laabtay Barcelona.

Dhaawaca ayaa la rumaysan yahay in aanu ahayn mid halis ah laakiin Spain ayaa go’aansatay in ay fiicantahay in xiddiga loo diro kooxdiisa halkii halis la galin laha.

Tababare Flick ayaa haatan wadanaha farta ku haya iyada oo baadhitaan dheeraad ah loo diray xiddiga Olmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here