Home Wararka Ciyaaraha Waa Sidee Xaalada Dhaawaca Neymar oo 11 Daqiiqo kaliya Garoonka Markii uu...

Waa Sidee Xaalada Dhaawaca Neymar oo 11 Daqiiqo kaliya Garoonka Markii uu dhawacmay kulankii Brazil ay kabadiyeen Serbia

0

Neymar ayaa mari doona baaritaan ku saabsan dhaawac canqawga ah oo ka soo gaaray kulankii xulkiisa Brazil ay kabadiyeen Serbia khamiistii.

Brazil ayaa ololaheeda ku bilaabatay guul 2-0 ah oo ay ka gaareen Serbia iyagoo uga mahadcelinaya Richarlison labo gool, taasoo ay ku jirtay laad cajiib ah oo madax ah.

Inkastoo ay guul ku bilowdeen, hadana waxaa xerada Brazil walaac ka muujiyay taam ahaanshaha Neymar, kaasoo lagu bedelay Antony daqiiqadii 79aad.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray ka dib markii uu dhibaato kala kulamy Nikola Milenkovic , inkastoo uu ciyaarta ku jiray 11 daqiiqo, ugu dambeyntii waa lagu qasbay.

Neymar ayaa la sawiray isaga oo baraf ku duuban canqowga, waxaana uu u muuqday mid aan dhibsaneyn maadaama ay ku qasbanaadeen inay u qalbi qaboojiyaan qaar ka mid ah asxaabtiisa.

Isagoo ka hadlayay ciyaarta ka dib, dhaqtarka xulka Brazil Rodrigo Lasmar ayaa yiri: “Neymar waxa uu ka dhaawacmay canqowga midig, jug toos ah.

“Naxdintii uu ka qaaday jilibka ciyaaryahanka reer Serbia, waxaan isla markiiba ku bilownay daawaynta kursiga keydka, wuxuu sii waday daawaynta jimicsiga jirka.

“Waxaan u baahanahay 24-48 saacadood si aan u fahamno MRI-ga, berrito waxaan yeelan doonaa qiimeyn cusub, hadda waxaan u baahanahay inaan sugno, ma sameyn karno faallooyin degdeg ah oo ku saabsan horumarkiisa, waxaan u baahanahay inaan sugno.

“Waxa uu garoonka ku jiray 11 daqiiqo ka dib markii uu dhaawac soo gaadhay ilaa heer uu sii wadan kari waayay”.

Previous articleKooxda difaacanaysa horyaalka Saudi Professional League ee Al Hilal oo u Dhaqaaqday Saxiixa Cristiano Ronaldo .
Next articleChelsea oo dib u fureysa wadahadalada qandaraaska cusub ee Mason Mount

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here