
Halyeeyga kooxda Manchester United ee Roy Keane ayaa amaan ugu qubeeyay da’yarka garabka midig ee Arsenal ee Bukayo Saka isagoo ku dooday inuu koox kasta oo Yurub ah haatan u ciyaari karo.
Goolkii cajiibka ahaa ee uu Saka ka dhaliyay Manchester kulankaas ayaa ka dhigay mid xilli ciyaareedka toddoba gool iyo toddoba caawimo ka sameeyay Premier League.
Keane oo kulankaas kaddib hadlay ayaa sheegay inuu jecel yahay daawashada Bukayo Saka isla markaana uu xataa Real Madrid u ciyaari karo wakhtigan.
Bandhigyada wanaagsan ee Saka ayaa sababay in qiimihiisa suuqu 100 Milyan oo euro gaadho sanadkan 2023, heshiiska uu kula jiro Arsenal ayaa ah mid dhacaya xagaaga 2024.
Arteta iyo maamulka kale ee Arsenal ayaa muhiimada koowaad siin doona heshiis kordhin uu sameeyo xiddiga kasoo qalin-jabiyay kuliyada da’yarta kooxda ee Hale End.
Be the first to comment