Barcelona ayaa si cad u bayaamisay doonisteeda inay markale dib ula saxeexato kabtankeedii hore ee Lionel Messi suuqa xagaaga sanadkan laba sano kaddib markii uu si xor ah kaga tagay.
35 sano jirka kusoo guuleystay Koobka Aduunka ayaa xagaaga heshiiskiisa Parc des Princes dhacayaa, Barca ayaa ah kooxda kaliya ee Yurub ah ee lala xidhiidhinayo.
Sida warbaahinta Spain haatan daboolka ka qaaday, Barcelona ayaa dhaqaale badan isha ku haysa haddii ay awoodo inay Camp Nou kusoo celiso Messi.
Iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo qaabka ay Barca ku awoodi karto saxeexa Messi maadaama haatan xadidnaan dhaqaale haysato ayuu wargeyska Sport sheegayaa inay kooxdu 230 Milyan oo euro ka samayn karto soo laabashada Messi.
Warbixinta ayaa sheegaysa in Barcelona ay aaminsan tahay in 150 Milyan oo euro ay kasoo kordhi doonaan heshiisyada shirkaddaha ay kula jiraan halka 80 Milyan oo euro kasoo kordhayso dakhliga kasoo gala maalmaha ay kulamada kooxdu ciyaarto.
Xogtan ayaa u muuqata mid ku salaysan heshiiska laba sano ah ee Messi u saxeexi doono Barcelona haddii uu dib ugu soo laabto.