Home Wararka Ciyaaraha Wada-hadalo Labada Dhinac oo furmay” Jude Bellingham oo ku sii Dhawaanaya Real...

Wada-hadalo Labada Dhinac oo furmay” Jude Bellingham oo ku sii Dhawaanaya Real Madrid

0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la sheegay in ay wada-hadallo toos ah la bilowday xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Jude Bellingahm oo ay doonayaan inaya kala soo wareegaan Borussia Dortmund, hase yeeshee waxa sidoo kale la ogaaday lacagta ay u go’aamiyeen iibka laacibkan.

Los Blancos ma doonayso inay lacag ahaan kula atartanto kooxaha sida Manchester City, Paris Saint-Germain iyo Liverpool, hase yeeshee waxa uu Florentino Perez adeegsanayaa xeelado kale oo uu laacibkan ku keenayo Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa u qorshaysay in €110 milyan oo Gini ay kusoo iibsato xagaaga isla maarkaana inta ka  horreysa ay Borussia Dortmund ku qanciso lacagtan, halka 19 jirkanna ay mar horeba la bilaabeen wada-hadallo ay heshiiskiisa shaqsiga ah kula gaadhayaan.

Wargeyska Marca ayaa sheegay, in ugu badnaan ay Real Madrid bixinayso €110 milyan oo Euro, haddii ay Borussia Dortmund diiddana uu Florentino Perez iskaga hadhi doono kubbad-sameeyahan reer England. Waxa intaas dheer, in aanay Real Madrid hal mar wada bixinayn lacagtaas waxayna doonayaan in qaybta ugu badan kaash lagu shubo, inta kalena lagu xidho bandhigga ciyaareed ee laacibkan.

Los Blancos ayaa waxay dhinaca kale ogtahay, in haddii ay Jude Bellingham ku qanciso inuu yimaaddo Santiago Bernabeu, in ay taasi meesha ka saari doonto kooxaha la tartamaya ee Man City, Chelsea, Liverpool iyo PSG, isla markaana ay Borussia Dortmund ku qasbanaan doonto inay aqbasho dalabkooda.

Xeeladdan oo kael ayaa dhacday xilli ciyaareedkii hore, waxaana adeegsataya Barcelona oo xiddiga Brazil ee Raphinha ka dul-qaadday Chelsea oo heshiis la gaadhay Leeds United, laakiin uu laacibkani iska diiday inuu tago Blues isaga oo kaliya doortay Barcelona oo haysatay lacag aad uga hoosaysa midda Chelsea.

Previous articleMykhaylo Mudryk oo u sheegay Shakhtar Donetsk Kooxda uu bdoonayo inuu ku biiro
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Caawa Oo Jimce Ah 6-da January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here