Home Wararka Ciyaaraha Wadnaha oo uu istaagay Xidig ka tirsanaan jiray Kooxda PSG una soo...

Wadnaha oo uu istaagay Xidig ka tirsanaan jiray Kooxda PSG una soo ciyaaray kooxo kale

0
Ad

Mowtul-qale ayaa haleelay xiddigii hore ee kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain iyo Morocco ee Modeste M’Bami oo maanta la xaqiijiyey inuu geeriyooday, kaddib markii uu kusoo booday wadne xanuun.

Modeste M’Bami oo u ciyaari jiray xulka qarankiisa intii u dhaxaysay 2000 illaa 2009, una saftay 39 ciyaarood ayaa waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ku guuleystay biladda dahabka ah ee ciyaarihii olombikada ee lagu qabtay magaalada Sydney ee waddanka Australia sannadkii 2000.

Ad

Iyadoo ay da’diisu tahay 40 ir ayaa waxa la xaqiijiyey inuu kusoo booday wadne xanuun uu markiiba u geeriyooday, waxaana laacibkan hore ee labada jeer Cope de France kula guuleystay PSG looga barooranayaa dalkiisa iyo kooxihii usoo dheelay oo ay ka mid ahaayeen PSG iyo Marseille.

M’Bami ayaa waqti kooban tijaabo ahaan ku tegay horyaalka Premier League, iyadoo uu ciyaarahana kaga fadhiistay kooxda Almeria ee waddanka Spain.

Waxa kale oo uu kasoo ciyaaray waddamada China, Saudi Arabia iyo Colombia ka hor intii aanu dib ugu laabanin horyaalka Faransiiska oo uu ku biiray Le Havre oo ahayd waqtigii ugu dambeeyey ee garoomada lagu arko sannadkii 2016 oo uu ciyaaraha si rasmi ah uga fadhiistay.

PSG ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay saaka, waxay ku sheegtay in ay la murugaysan yihiin geerida degdegga ah ee ku timid Modeste M’Bami, waxaanay tacsi u dirtay qoyskiisa iyo taageereyaashiisii.

Madaxweynaha xidhiidhka  kubadda cagta Adduunka  ee FIFA ee Gianni Infantino ayaa isaguna qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram, waxa uu tacsi ugu diray qoyska Modeste M’Bami, halka naadigiisii Sucuudiga ee Ittihad ay iyaduna qoraal kooban ku tidhi: “Macasalaama Modeste M’Bani. Waxa aad ahayd ciyaartoy wanaagsan.”

Previous articleLiverpool oo u dhaqaaqday saxiixa Daafac midig oo uu Jurgen Klopp doonayo inuu beddelo Trent Alexander-Arnold
Next articleTammy Abraham oo dagaal ka dhex abuuray kooxaha Arsenal iyo Manchester United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here