Home Warka Xiisaha Leh WAE DEG-DEG AH: SADDEXDA Kooxood Ee Ka Dhacay Sallaanka Horyaalka Premier League

WAE DEG-DEG AH: SADDEXDA Kooxood Ee Ka Dhacay Sallaanka Horyaalka Premier League

0

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa maanta lasoo gunaanday, waxaana la kala saaray kooxaha heerka labad u noqonaya oo la xaqiijiyey iyo saddexda heerka labaad ka yimid ee xilli ciyaareedka dambe qaybta ka noqon doona horyaalka Premier League.

Southampton ayaa waqti horeba loo xaqiijiyey in ay ka dhacday horyaalka Premier League oo ay heerka labaad u noqotay, balse ciyaartii ugu dambaysay ayay si sharafleh kusoo xidhatay iyadoo iska celisay Liverpool oo ay barbarro 4-4 ah ku kala baxeen.

Liverpool oo laba gool la hormartay ayaa loogu beddelay afar xidhiidh ah, hase yeeshee Jurgen Klopp ayay la baxsadeen Cody Gakpo iyo Diogo Jota oo ciyaarta barbarro kaga dhigay laba gool oo hal daqiiqo oo kali ahi u dhaxaysay.

Marka laga yimaaddo Southampton, waxa maanta la sugayay in la xaqiijiyo labada kooxood ee heerka labaad u dhacaya oo saddexda kooxood ee Leeds United, Everton iyo Leicester City ay midkood badbaadaysay labana hoos u dhacayeen.

Leeds United ayaa bilowgiiba is-dhiibay oo uu dilay Harry Kane, waxaana 4-1 ku burburisay Tottenham oo sidaas ugu xaqiijisay in ay Championship-ka ka ciyaari doonaan sannadka dambe.

Leeds ayaa kaliya kusoo bixi karaysay guul iyo in laga badiyo kooxaha kale ee ay loollamayeen ee Leicester City iyo Everton, balse uma aanay suurtogelin, waxaana Elland Road uu noqon doonaa madal loo diyaariyo heerka labaad.

Waxa kale oo uu tartan u dhexeeyey Leicester City iyo Everton oo mid walba ay goolal dhalisay qaybtii hore, waxaana rajada fiican lahayd Everton oo ku badbaadaysay inay badiso, in laga badiyo Leicester ama la barbarreeyo.

Leicester City oo marti u ahayd West Ham ayaa laba gool oo qurux badan ay u dhaliyeen Barnes iyo Faes, hase yeeshee Hammers ayaa qaybtii dambe keentay gool madi ahaa oo aan waxba ka beddelin natiijada saddexda dhibcood ee ay xoogsatay Leicester City.

Foxes oo ay rajadoodu ku jirtay meel adag oo ahayd in laga badiyo ama la barbarreeyo Everton, ayaa shaqadeeda qabstay, laakiin caqabaddu waxay tahay in Everton ay gool kala hormartay Bournemouth oo illaa hadda ay hoggaanka ku hayso.

Leicester ayaa ku ducaysanaysay in laga badiyo ama la qabto Everton, laakiin nasiib-darro waxay Everton 1-0 kaga adkaatay Bournemouth, sidaas ayaanay ku badbaadday.

Heerka labaad waxa u dhacay Southampton, Leeds United iyo Leicester City oo xilli ciyaareedka dambe ka maqnaan doona horyaalka Premier League.

Previous articleMohamed Salah oo ka hadlay canaanta loo jeedinayo difaaca kooxdiisa ee Trent Alexander-Arnold
Next articleHarry Kane oo barbarreeyey rikoodh taariikhi ah oo u yaallay horyaalka Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here