Home Wararka Ciyaaraha Wakiilada Marco Asensio oo u duuli doona London, Arsenal oo Xidigan la...

Wakiilada Marco Asensio oo u duuli doona London, Arsenal oo Xidigan la Wareegeysa

0
Ad

Wakiilada weeraryahanka Real Madrid Marco Asensio ayaa lagu soo waramayaa inay u duuli doonaan London todobaadkan si ay wadahadalo ula yeeshaan kooxaha Premier League oo ay ku jirto Arsenal .

27 jirkaan ayaa haatan wax ka yar lix bilood uga harsan tahay qandaraaska uu kula jiro kooxda heysata horyaalka Spain iyo Yurub, waxaana si weyn loo filayaa inuu ka tago xagaagan.

Ad

Vinicius Junior , Rodrygo iyo Federico Valverde ayaa dhamaan kaga horeeya Asensio shaxda garabka weerarka, taasoo ku xaddidaysa xiddiga heerka caalami ee dalka Spain inuu kaliya shan kulan oo La Liga ah ku soo bilowday xilli ciyaareedkan.

Isagoo ku sugnaa Madrid intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo, Asensio wuxuu xor u noqon doonaa inuu wadahadalo la yeesho kooxo ajnabi ah ka hor inta uusan beeca xorta ah uga tagin kooxda Carlo Ancelotti .

U dhaqaaqida lama filaanka ah ee Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka, laakiin sidoo kale waxaa la fahamsan yahay inuu soo jiitay indhaha kooxaha Premier League.

Previous articlePep Guardiola oo arrin layaab leh ku sababeeyay fashilkii kooxdiisa Tottenham kasoo gaadhay xalay.
Next articleLiverpool oo Isha ku heysa inay lasoo wareegto Nico Williams iyo Oihan Sancet

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here