Wakiilka Antony oo u jooga England si uu wadahadal ula galo Manchester United

Wakiilka weeraryahanka Ajax Antony ayaa lagu soo waramayaa inuu u safray England si uu wadahadalo suuqa kala iibsiga ah ula yeesho Manchester United , iyadoo ay sii socoto wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xiddiga reer Brazil.

22-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda heysata horyaalka Holland xilli ciyaareedkii hore, isagoo dhaliyay 12 gool, waxaana uu diiwaan geliyay 10 caawin 33 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Tababaraha Man United Erik ten Hag ayaa la sheegay in uu aad ugu baahan yahay in uu dib ula midoobo xiddiga reer Brazil isaga oo ku sugan magaalada Manchester iyada oo uu xiddiga reer Holland ku riixayo in uu kooxdiisa cusub la soo saxiixdo weeraryahanka garabka midig.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ay weli si adag ugu jirto sawirka Antony iyadoo la soo jeedinayo in xiisahooda uu qaboojiyay qiimaha sare ee Ajax.

Sida laga soo xigtay The Times , mid ka mid ah wakiilada Antony ayaa haatan ku sugan Manchester si uu wadahadalo ula yeesho Man United, kuwaas oo weli doonaya inay la soo wareegaan weeraryahan kale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*