Wakiilka Jorginho oo si maldahan u sheegay bixitaanka xidiga ee kooxda Chelsea

Photo Reuters

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa qirtay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Italy uu ka tagi karo Stamford Bridge-

Sarri iyo Jorginho ayaa si wada jir ah uga soo wada shaqeeyay kooxda Napoli ka hor inta ayna labada xiddig u wareegin caasimada England inkasta oo uu Sarri si deg deg ah ugu badalay ku biirista kooxda Juventus sanadii 2019 ka hor inta aan la cayrin horaantii sanadkan.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaan wali la wareegin shaqadiisa xiga ee tababarenimo, laakiin wakiilka Jorginho Joao Santos ayaa xaqiijiyay in macmiilkiisa uu u furnaan doono inuu ku laabto Italy hadii Sarri uu shaqo kale ka helo meelahaas.

Santos oo la hadlaya Calciomercato ayaa yidhi: “Aad ayuu ugu faraxsan yahay Frank Lampard chelsea-na way samayn kartaa xitaa wax ka fiican xilli ciyaareedkii hore.

“Ku dhowaad dhammaan ciyaartoyda Talyaaniga waxay ku sugan yihiin Serie A, maadaama uu yahay horyaal muhiim ah, laakiin safarkiisa ayaa u qaaday London. Haddii Maurizio Sarri uu sii joogi lahaa, malaha wuxuu ku biiri lahaa Juventus.

Jorginho ayaa durbaba 11 kulan u saftay isagoo xiran maaliyada Chelsea xilli ciyaareedkan, laakiin 28 jirkaan ayaa loo magacaabay kursiga keydka kulankii Blues ee Premier League ee ay ka badiyeen Burnley iyo Sheffield United ka hor fasaxa xulalka.

Ciyaaro.com

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*