Home Horyaalka Ingiriiska Wakiilka Jorginho oo Xaqiijiyay in Xidiga uu u furanyahay ka bixitaanka...

Wakiilka Jorginho oo Xaqiijiyay in Xidiga uu u furanyahay ka bixitaanka Albaabka Chelsea

0

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa albaabka u furay inuu ka tago Stamford Bridge.

Jorginho ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo line-upka Frank Lampard xilli ciyaareedkan waxaana la dhaleeceeyay ka dib markii uu lumiyay rigooradii seddexaad ee xilli ciyaareedka kulankii ay Blues guuldarada 3-1 ka soo gaartay Arsenal ee Boxing Day.

Inkasta xidigan ka baxay dooqa ugu horeeya ee kooxda, wakiilka Jorginho Joao Santos ayaa xaqiijiyay in khadka dhexe uu ku faraxsan yahay caasimada England, laakiin mustaqbalka uu ku laaban karo Itlay.

Sida laga soo xigtay The Mirror , Santos ayaa yiri: “Waxay u aheyd sanad wanaagsan Jorge, wuxuu sifiican uga soo shaqeeyay xulka sidoo kale, sanadka soo socda waxa uu rajeynayaa in uu Horyaalo qaado.

Ciyaaryahankii hore ee Napoli ayaa durbaba shabaqa soo taabtay afar jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin wuxuu kaliya kusoo bilowday 7 kulan oo Premier League ah Blues xilli ciyaareedkii 2020-21.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here