Wakiilka Lautaro Martinez oo meesha ka saaray ka bixitaanka Inter Milan.

Wakiilka weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez ayaa ku adkeystay in aysan jirin wax dhibaato ah oo uu kaga tago kooxdiisa Inter Milan, wuxuu ku faraxsanyahay inuu sii jooho garoonkiisa San Siro.

Martinez ayaa kaliya heshiis cusub u saxiixay Nerazzurri bishii October iyada oo si weyn loo hadal hayay mustaqbalkiisa, iyadoo qandaraaskiisa haatan uusan dhacayn ilaa 2026.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha sida Arsenal , Manchester City , Manchester United , Tottenham Hotspur iyo Atletico Madrid ayaa weli lala xiriirinayaa 24 jirkaan ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Wakiilka Alejandro Camano ayaa si wax ku ool ah u beeniyay rajada kooxaha doonaya u dhaqaaqista xagaagan, inkastoo, u sheegay Calciomercato.it : “Wuxuu sii joogayaa Inter mustaqbalkiisa.

“Lautaro waxa uu Inter kula jiraa heshiis shan sano ah, waxa uu dareemaya sida xiisaha Inter waa kooxda qalbigiisa ku jirta, waxa uu dareemayaa taageere dheeraad ah oo garoonka dhexdiisa ah, qoyskiisu sidoo kale aad ayay ugu faraxsan yihiin Milan, waxa aan si hubaal ah u odhan karaa. Ma jirto wax macquul ah in Lautaro uu ka tago Inter, aad ayuu u daneeyaa inuu kooxdan la guuleysto.”

Martinez ayaa soo afjaray abaartii siddeedii kulan ee uu ka ciyaarayay Serie A isagoo dhaliyay seddexley jimcihii 5-0 ay ku xasuuqeen Salernitana, weeraryahanka ayaa haatan dhaliyay 64 gool iyo 22 caawin isagoo ku faano 168 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalka Talyaaniga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*