Wakiilka Mesut Ozil oo ka Hadlay ku biirista Xidiga ee Kooxda Fenerbahce

Wakiilka Mesut Ozil ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal uu yahay “ mid jecel Fenerbahce ” isla markaana uu ku rajo weyn yahay inuu u dhaqaaqo kooxda reer Turki si dhaqse ahna loo dhameystiri doono heshiiskiisa.

Kulan su’aalo iyo jawaabo ah oo uu isniintii ku weydiinayay Twitter-ka, Ozil wuxuu ku sheegay inuusan qorsheyneyn inuu ka fariisto oo uu doonayo inuu u dhaqaaqo Fenerbahce ama Major League Soccer, isagoo shaaca ka qaaday inuu taageere u ahaa kooxda Turkiga markii uu yaraa ee ku soo barbaaray  Jarmalka .

Wakiilka ciyaaryahanka, Erkut Sogut, ayaa sidoo kale ku rajo weyn in heshiis la gaaro, isagoo ku celiyay Ozil jaceylka uu u qabo kooxdii yaraantiisa.

Hadalka Wakiilka iyo midka Ozil ayaa soo afjartay in Xidigan uu ku biiro kooxo kale oo Yurub sida Horyqalka uu hada ka ciyaaro.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*